Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa warkan ka sheegay isagoo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee Codka Maraykanka VOA.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay arrinta ka wada hadleen.

Axmed Ciise ayaa sheegay in Mowqifkoodii hore uusan waxba iska badali doonin isla markaana aysan ogolaan doonin in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Nicolas Haysom isagoo ku eedeeyay in uu u dhaqmay sida in uu isagu madax ka yahay dalka, isla markaana ay jireen qoraallo badan oo uu horay ugu gudbiyay dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan aan lagu dag dagin, dalkana ay ka jirto dowlad doonaysa in ay umadaha kale lamid noqoto.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay shalay ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan ka helin qoraal rasmi ah oo ay uga cabanayaan Nicholas Hayson uuna aaminsan yahay inuu weli yahay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s