QM oo xadiday joogitaanka shaqaaleheeda Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa xadiiday joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalida.

Arintan ayaa sabab looga dhigay afduubkii loo geystey musharax Roobow, Xasuuqii ka dhacay Magaalada Baydhaba iyo weerarkii hoobiyaasha ee kowdii January lagu qaaday xarunta QM ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha QM.

Qaar ka mid ah shaqaalaha QM ee Muqdisho, oo qorshuhu ahaa in maanta ay u safraan Muqdisho, ayaga oo kasoo laabtay fasax sanadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaysan tagin Muqdisho oo ay joogaan Nairobi.

Go’aanka QM ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda Muqdisho.

Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay QM, waxaana uu kusoo aaday xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay QM iyo dowladda Somalia, kadib markii Somalia ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in ergeygii uu u magacaabay dalka Soomaaliya ay dowlada Federalka Soomaaliya ay ceyriso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s