Muxuu noqon karaa xiriirka cusub ee Puntland iyo dowladda Federaalka?

Iyadoo maanta uu Siciid Cabdullaahi Deni ku guuleystay doorashada xilka madaxweynaha ee maamul goboleedka Puntland ayey dad badan isweydiinayaan sida uu noqon karo xiriirka ka dhaxeyn doona maamulkiisa iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Puntland ayaa horay xubin muhiim ah uga ahayd golaha iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya, oo khilaaf weyn uu kala dhexeeyo dowladda dhexe ee federaalka.

In kastoo bilihii lasoo dhaafay ay sii wiiqmeysay awoodda iskaashi ee maamul goboleedyada, haddana maxaa laga filan karaa Madaxweyne Deni, tallaabo noocee ah ayuuse qaadi doonaa maamulkiisa?.

Maxamed Nuur Caalin, oo aqoon dheer u leh Siciid Candullaahi Deni, isla markaana horay ula soo shaqeeyay ayaa BBC-da la wadaagay aragtidiisa ku aaddan arrintaas. Waxa uu noo sheegay in uu Siciid yahahay nin 30-kii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya isla markaana siyaasadda ku soo biiray dabayaaqadii 1990-meeyadii.

Hase ahaatee marka la eego xiriirka dhex mari kara isaga iyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku tilmaamay mid aan waji fiican lahayn.

“Markaad eegtid madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta hadda maamulka haya, haddii la is barbar dhigo Siciid iyo Cabdiwali Gaas, waxaa maamulka Farmaajo aad ugu dhow Cabdiwali Gaas. Sababtoo ah Siciid waa nin aad u aaminsan qadiyadda federaaleynta, waa nin aad ula dhacsan hannaanka ay ku socdaan kooxda hadda mucaaradka ku ah dowladda dhexe, waa nin Farmaajo kula loollamay doorashadii madaxweynaha federaalka, wax soo dhaweyn ah kama uusan helin dowladda Farmaajo, marka waxaan filayaa in Siciid meeshii uu ka taagnaa khilaafka u dhexeeyay Federaalka iyo maamul goboleedyada uu meel kasii fog ka istaagi doono”, ayuu yiri Mr Caalin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s