Mid ah Murashaxiintii Lagaga Guulaystay Doorashada Madaxtinimada Puntland Ayaa Magacaabay Gudi Kuwaas loo Bixiyey (GLKKC) Gudiga Lacag kasoo Celinta Kuwii Cunay.

Midka Mid ah Murashaxiintii Lagaga Guulaystay Doorashada Madaxtinimada Puntland Ayaa Magacaabay Gudi Kuwaas loo Bixiyey (GLKKC) Gudiga Lacag kasoo Celinta Kuwii Cunay.

Xubnaha Gudigani ka Kooban Yahay Ayaa Loo Xilsaaray Inay Lacagta kasoo Celiyaan Xildhibanadii Lacagta ka Qaatay Murashaxan isla Markaasna aan u Codaynin.

Murashaxan Gudiga Magacaabay ayaa La Sheegaya inuu Halkii Xildhibaanba Siiyey 50 Ilaa 70 Kun oo Dollar Waxaana uu Qorshihiisu Ahaa inuu Wareega Horaba Guulaysto Laakiin Ma dhicin.

Gudigan ayaa Si aan Ganasho Ama Qarsoodi Lahayn Ula Xidhiidhaya Xildhibaanada Waxayna Ku Wargalinayaan inay iska Soo Celiyaan Bahashii Faraha Badnayd.

30 Ka mid ah Xildhibaanada Puntland ayaa Laga Soo Celiyey Lacagtii ay Qaateen Habeenkii Doorashada ee Murashaxaasi Siiyey.

Warkan oo Markii Hore La Moodayey Been abuur ayaa Xaqiiq Noqday Kadib Markii La Aqoon saday Magacyada Gudiga La Magacaabay.

Dhanka Kale Qaarka mid Ah Beelaha Puntland oo Maanta Shir ku Qabatay Magaalada Garoowe ayaa Ku Baaqday in Cidii Beesha ah ee Nin kaas Lacag ka Qaadatay Lacagtiisa ay u Celiso.

Arrintani oo Ah Dhacdo ugub Ku ah Siyaasada Somalia ayaa Caawa Si Wayn Looga Hadal hayaa Magaalada Garoowe.

Waa Markii ugu Horaysay ee Taariikhda Siyaasada Somalia La isku Qabsado Lacag Laaluush Doorasho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s