Ilhan Cumar oo ka mid noqotay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Kongresska Maraykanka

Ilhan Cumar oo ka mid ah aqalka Kongresska dalka Maraykanka ayaa loo doortay inay xubin ka noqoto guddiga u qaabilsan arrimaha dibada Kongresska dalka Maraykanka.

Afhayeenka Kongresska Nancy Pelosi ayaa u dooratay Ilhan xubinimada iyadoo weliba ka mid ah xubnaha ku cusub Kongresska Maraykanka.

Magacaabida loo magacaabay Ilhan Cumar inay ka mid noqoto xubnaha Guddiga Arrimaha  Dibada ee Aqalka Kongresska ayaa waxaa aad uga naxay  maamulka Israel oo u arka in Ilhan ay tahay qof dhuunta u geli karta siyaasada Israel ee dalka Maraykanka.

Wargeyska The Times Of Israel ayaa  daabacay in ay  Ilhan hore looga soo xigtey ereyo ay ku cambaareyneyso Yuhuuda ayna tahay qof dhibaato ku noqon karta xiriirka Israel  iyo Maraykanka.

Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Kongresska ayaa  ah mid awood ballaaran leh waxana  uu dusha kala socdaa dhamaan gargaarka dibada ee dowlada Maraykanku bixiso,ammaanka  qaranka ee saameynta ku leh  siyaasadda dibadda,heshiisyada,nabad ilalaalinta iyo wadamada awoodda leh ee dunida.

1 Comment

  1. Hanbalyo hanbalyo hanbalyo ilhaan omar horay usuco insha allah waad gaari hankaaga noqo quf dareema dhibaatada qurbaha kajirta iyo sida loola dhaqmo dadkiisa waad aragtaa eriyada lagugu qoray beejajka taariiqda sida dhabta ah Inaad yahuud necbaato anba waan kuugu taageersanahy kalsooni kunoolow kartidaada kaasho kariim talo saaro abidkaa keentii kuu qoran lama gafaan waa

    Like

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s