Madaxweynaha Puntland oo magacaabay gudiga ka shaqeeya Aaska Marxuum Gen Cabdulahi Cali Mire

Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabddulaahi Deni ayaa goordhawayd magacaabay gudiga ka shaqeeya qaban qaaba Aaska Qaran ee loo sameynayo Marxuum General Cabdulaahi Cali Mire Carays.

Gudiga uu madaxweynaha magacaabay ayaa 10 xubnood oo isugu jira wasiiro,saraakiil ciidan iyo agaasimayaal waxaana la filayaa in ay ka shaqeyaan sidii Aas Qaran loogu sameyn lahaa Marxuum Gen.Cabulaahi Cali Mire.

Allaha u naxariistee Marxuum Gen.Cabulaahi Cali Mire ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaana geeridiisa k tacsiyeeyay masuuliyiin ka kala tirsan Puntland,Dowlada Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s