Wasaaradda Batroolka oo faah faahin ka bixisay Shirka London ee lagu suuq-geynayo Shidaalka Soomaaliya

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya oo bisha soo socota ee February ka dhacayo magaalada London.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shirkaas uu yahay mid lagu soo bandhigayo kheyraadka Shidaalka uu leeyahay dalka iyo sidii loo bixin lahaa ruqsado ama shati ku saabsan shidaal qodista.

Wasaaradda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in shirkaas lagu suuq geynayo shidaalka Soomaaliya, isla markaana lagu bixinayo xirmooyin dhan 50 Blocks.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hordhacay shirkaas, isagoo ku tilmaamay inuu yahay shir lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, isla markaana lagu bixinayo illaa 50 Blocks shidaal qodis ah oo la siinayo shirkado shidaalka baara.

Inkastoo Wasaaradda ay beenisay in shirkaas lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, hadana Page-ka lagu xayeysiiyay shirkaas laguna soo bandhigay macluumaadka shirka ka dhacaya London ayaa ka muuqatay in shirka lagu xaraashayo xirmooyin dhan 50 Blocks, kaasoo ah dhul dhan 173KM, waxaa kaloo page-ka ka muuqday qariirada goobaha sahminta shidaalka lagu sameynayo

Shirka looga hadlayo shidaalka Soomaaliya oo dhici doona 7-da bisha February ayaa lagu soo beegay maalin ka hor sanad-guurada labaad markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s