Ciidamada Meliteriga Itoobiya Oo La Wareegay Xarumihii Dawlada Magaalada Jig jiga

Wararkii ugu dambeeyey Ee Naga soo gaaraya Magaalada Jig jiga Ayaa Sheegaya in Halkaasi Xaaladeega hadda uu yahay mid deggan kadib Xiisado Siyaasadeed oo Saameyey.

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa is hayey Maalmahaan Dambe Axmed Shide oo Dawlada Federaalka Itoobiya Wasiirka Maaliyada ka ah iyo Madaxweynaha Kililka shanaad Mustafa Cagjar.

Is xulufeysiga siyaasdeed ee jiray waxay keentay in lagu kala jiito Mas’uuliyiinta Dawlad Deegaanka oo Qaarkood Xilka Xayuubin lagu sameeyey.

R/wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali oo soo fara geliyey Arintaan ayaa heshiis todobaadkii hore dhamaadkiisa Dhex dhigay Axmed Shide iyo Mustafa Cagjar.

Iyadoo sidaas ay aheyd ayaa hadana waxaa la sheegay in shalay is gacan qaadeen oo dagaal uu dhexmaray Soomaalida iyo Amxaarada wada deggan Jig jiga.

Ciidamada Amniga qaabilsanaa Magaaladaasi iyo Ciidamada Meliteriga Itoobiya ayaa waxay maanta la wareegeen Amniga Xarumaha Dawlad Deegaanka Soomaalida

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s