Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Garowe ku qaabiley siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Garowe ku qaabiley siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka ay qaateen labada masuul ayaa daarnaa salaan iyo is xog wareysi guud ee xaaladda dalka iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa hanaanka xisbiyada badan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hogaamiya xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey guushii 08 January 2019, waxaana uu bogaadiyey horumarka balaaran ay Puntland gaartay.

HALKAAN KADHAGAYSO

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya siyaasadda Puntland ee hanaanka xisbiyada badan iyo sidii Soomaaliya u gaari lahayd hal qof iyo hal cod ayaa soo dhaweeyey hirgelinta nidaamkaasi, waxaana uu bogaadiyey dadaalka lagu doonayo is bedelka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya ka socda, gaar ahaan kan hogaanka xisbiga Wadajir.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay caleema-saarkii madaxda Puntland, wuxuuna wali ku sugan yahay magaalada Garowe, isagoo kulamo kala duwan la qaatay dad kala duwan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ah siyaasi aad u dhaliila dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s