Muse Biixi: Tan iyo markii la doortay Farmaajo waxaa nagu socda dagaal joogto ah-COD

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Hargaysa ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku eedeeyay in ay dagaal dhaqaale iyo cunaqabateyn joogta ah uu ku hayo Somaliland.

Hadalkan ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay Munaasabad loogu dabaal dagayay aas aaska Ciidamada Somaliland ,waxaana uu tilmaamay in tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku howlanaa sidii uu cunaqabateyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed u saari lahaa maamulka uu hogaamiyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa la yaab leh dowlada maanta Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Kheyre ee xamar ka dhisan ilaa maalintii la doortay ilaa maalinka maanta ah waxa ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinac walba ah ku hayaan Somaliland, Dagaalada laga sheekeynayo waa joogto ,dagaalka dhaqaale waa joogto, kan cunaqabateyn waa joogto, kan Borobaaando waa joogto ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili hakad uu u jiro wadahadaladii u dhexeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyadoona aysan muuqan xiligan jawi wanaagsan oo ay ku wada hadlaan labada dhinac.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s