Madaxweyne Deni o soo dhisi doonno xukumadda kooban oo 16 Wasiir leh

Garoowe)-Habeen kahor madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa joojiyey qaabilaadda dadweynaha inta lagu dhawaaqayo golaha wasiirada taasi oo ka dhigan in la dhammaystiran xukuumadda cusub.

Ilo xogagaal ah ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyey in wasaaradaha cusub ay noqon doonaan wax ka yar 16 Wasaaraddood, sidaas oo kalena ay wadar ahaan noqon karto 35 xubnood, taas oo ka dhigan in la dhimay wasaaraddo badan.

Xogta ayaa tibaaxaysa in laysku daray qaar kamid ah wasaaradihii kala duwanaa ee dowladda iyo hayaddaha qaar si meesha looga saaro maamul xumadii iyo dhaqaalihii badnaa ee ay qaadan jireen xubnahaasi wasiirada ah.

Xukuumadii hore ayaa ka koobnayd ku dhawaad 70 Wasiiro, wasiiro kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal ah, taas oo ahayd mid ay ku bixi jireen dhaqaale fara badan, waxaana isha aad loogu hayaa tiradda xukuumaddan cusub.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s