Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada Spectrum ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inay magaalada London ee dalka UK kusoo bandhigaan qeybtii koowaad ee xogta Gaaska ku jira xeebaha Soomaaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada Spectrum ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inay magaalada London ee dalka UK kusoo bandhigaan qeybtii koowaad ee xogta Gaaska ku jira xeebaha Soomaaliya.

Shirkada Spectrum oo heshiis kula jirta dowlada Federaalka ayaa soo bandhigi doonta xogta ay ka heshay sahmintii ugu danbeysay oo ahayd nooca (2D long-offset seismic data) oo ay ku sameysay xeebaha Soomaaliya (20,185 km) oo laga baaray batroolka gaar ahaan Hydrocarbon laga sameeyo gaaska PNG & LPG.

Waxaa shirkan furi doona Wasiirka Batroolka ee Dowlada Federaalka Cabdirashid Maxamed Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, kuwaasi oo ku dhawaaqi doona in Dowlada Soomaaliya ay xadeysay ama qeybisay 50 xirmo (blocks) oo ku fadhiya dhul cabirkiisu yahay 173,000 km2, sida lagu sheegay qoraal ay shirkada Spectrum ku shaacisay websitekeeda.

Goobaha la sahmiyey oo hada la dhameeyey cabirkooda ayaa la filayaa inay dowlada Soomaaliya u bandhigto shirkadaha daneenaya batroolka iyo Gaaska Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay shirkada Spectrum ee kulanka maanta soo qaban qaabisay waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa shirkan Sharuudaha iyo Sharuucda ay dowlada Soomaaliya u dajisay dhinaca Batroolka.

Wajigan koowaad ayaa ah in la bixinayo shatiyada 50ka block ee maanta lasoo bandhigi doono, wuxuuna wareegan 1aad shatiyada socon doonaa illaa iyo 11-ka July 2019.

Mucaaridka Shirka London

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa ku tilmaamay shirkan mid lagu xaraashayo batroolka Soomaaliya, isla markaana ku baaqay in la joojiyo.

Waxaa sidoo kale jira qaar kamid Soomaalida Qurbaha ku nool oo sheegay inay maanta dhigi doonaan mudaharaad looga soo horjeedo shirka ka dhacaya London.

Dhinaca kale heshiiska horey u dhexmaray Shirkada Spectrum iyo Dowlada Federaalka ayaa ah mid aan wax badan laga ogeyn, waxayna weli cadeyn in xogta Sahminta Batroolka Soomaaliya oo shirkadan sameysay inay ku wareejin doonto Dowlada Federaalka ama inay shirkadaasi iyada heysan doonto oo ka iibin doonto Shirkadaha Batroolka Soosaara ee daneenaya khayraadka ku jira wadanka Soomaaliya.

Shirkada Spectrum ayaa sheegtay in ay sii qorsheysay kulamo kale oo sanadkan ka dhici doona magaalooyinka Houston (USA) iyo Dubai (UAE) oo lagu soo bandhigi doono sahminta batroolka Soomaaliya.

Fadeexooyin hore!

Saxiixii Heshiiska Soma Oil & Gas Agoosto 2013 [Horseed Media]

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horey heshiisyo ulla gashay shirkado kala duwan oo sheegay inay sahmin doonaan shidaalka Soomaaliya, waxaana kamid ahayd shirkadii SOMA OIL & GAS oo uu saami ku lahaan jiray Raysalwasaare Xasan Cali Khayre horey usoo ahaa Agaasimaha Soma Oil and GAs xafiiskooda Geeska Afrika, heshiiskaasi oo ay ka dhasheen fadeexooyin la xariira dhanka Musuq Maasuqa.

Guddiga Qaramada Midoobay oo Soma Oil & Gas la xariiriyey Al Shabaab 2015

Shirkadan Spectrum oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa la aasaasay sanadkii 1986, waxaana laga leeyahay dalka Norway oo uu dhalashadeeda heysto Raysalwasaare Khayre.

Xigasho Horseed Media

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s