Shirkada Facebook oo Shaqaale Soomali Qoranaysa Xaruna Ka Funaysa Kenya Iyo Soomaaliya

Warbaahinta Bulshadda ee Facebook ayaa sheegtay inay Xaruntii ugu horreysay ee Dib-u-eegista ka furan doonaan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi dabayaaqadda sannadkan 2019-ka.

Hadal ka soo baxay Maamulka Sare ee Shirkadda Facebook ayaa  lagu sheegay inay Xaruntaasi u xil saarnaan doonto Badbaadada iyo Ammaanka Siyaasadda Arrimaha Farriimaha Bulshadda iyo in laga hortago in Facebook-ga la soo dhigo Hadalladda Karaahida ah, wadaagista sawiradda anshax-xumidda iyo in la soo dejiyo ama la soo dawn-gareeysto Muuqaallo Video ee lagu dhibaateynayo  qof kale.

Dhinaca kale, Shirkadda Facebook ayaa sheegtay iyadoo shaqo-wadaag  Shirkadda Samasource  ayaa isla wadaya hawsha Xarunta cusub ee laga furi doono Nairobi.

Facebook waxay sheegtay inay kireysan doonto 100 shaqaale ay ku jiraan dad Soomaali ah, kuwaasi oo taageero ka geysan doona tiro Luqado ah oo ay ka mid yihiin Luqadaha Soomaaliga, Oromada, Sawaaxiliga iyo Hawsaha ee looga hadlo qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda Facebook waxay 20 Xarumood oo Dib-u-eegis ah ka fureen Calaamka bishii December ee sannadkii hore ee 2018-kii , waxaana Wadamadda laga hirgeliyey Xarumahaasi ka mid ah Jarmalka, Ireland, Spain, Maraykanka, Filibiin iyo Latvia.

Facebook logo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s