Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Askar Taliye Nuux Taani Si Qarsoodi Ah Deegaankiisa Uga Qorayo Oo Emaratku Tobobarayo Mushaarkoodana Bixinayo

Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Askar Taliye Nuux Taani Si Qarsoodi Ah Deegaankiisa Uga Qorayo Oo Emaratku Tobobarayo Mushaarkoodana Bixinayo 01/2/2019 (SM) Warar naga soo gaadhaya xafiiska taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Taani ayaa sheegaya inuu taliyahaasi bilaabay diiwaangalinta ciidamo la sheegay in uu tobobaraayo Emaratka Carabtu.Sida ilo xog ogaal ihi Saxaafada u sheegeen waxaa diiwaangalini ka bilaabantay oo si qarsoodi ah loogu yeedhay dhalinyaro tiro badan oo si gaara Taliyuhu ugasoo xushay Magaalada Gabilay oo haybkaliya ah.

Mid ka mida dhalinyarada Taani hoos ugu yeedhay ee loo diyaarinayo askarta Emaratku mushaarkoogu bixinayo isla markaana tiradooda lagu sheegay 1500 oo askari ayaa sheegay in askartaasi Taani qayb hore kasoo qoray Berbera imikana Hargeysa Iyo Gabilay beel gaara la beegsaday ,lama sheegin meesha lagu xaraynayo balse waxaa la cadeeyay in loosii diyaarinayo saldhiga Emaratka Carabta Ee Berbera oo tobobar uga furmi doono sida ugu dhaw ee saldhigaasi marka la furo.

Warkani ayaa kusoo beegmaya xili madaxtooyo uu Madaxwayne Muuse Biixi ka dhisayo deegaankii Baar Xaraf oo beeshiisu deegaan ku tahay taasi oo 1500 oo askar beelaysani ay noqonayso cadaalad daradii ugu waynayd ee Somaliland soo marta. Taliye Nuux Taani oo xidhiidh dhaw lalahaa Tigreegii Itoobiya maamuli jiray laguna eedeeyay Boqolaal dad shacab ah oo uu Itoobiya u dhiibay ayaa xukuumadii Siilaanyo mar xilka ka qaaday kadib markii la helay raad uu ku lahaa xasuuqii dad safar ah oo jidka Borama Iyo Hargeysa loo galay oo la laayay,balse uu dafiray xilkiina ku waayay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s