Galka Baarista: Shirka London wuxuu billaabay tartanka shidaalka Soomaaliya


Galka Baarista

Toddobaadkii hore dawladda Soomaaliya waxay magaalada London kusoo bandhigtay xogta laga laga helay sahankii shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2014-ka iyo 2016-ka. Sahankan waxaa iskaga dambeeyey labada shirkadood ee kala ah Soma Oil & Gas iyo shirkadda Spectrum.

Soo bandhigista xogta shidaalka ee ka dhacday London toddobaadkii hore waxaa daba socda in la sameeyo sahamin, taasi oo u baahan in dhulka sahanka laga samaynayo saliid laga baadho. Bixinta qandaraasyadan waxay bilaabaynsaa dabayaaqada sannadkan, sida rasmi ahaan loo sheegay, inkastoo khubarada qaar ay sheegeen in furitaanka tartanka shidalaka Soomaaliya ay durba bilaabantay.

Barnaamijka Galka Baadhistu waxa uu ogaaday in shirkadda Spectrum oo qandaraas lagu siiyey kaydinta iyo iibka xogta Soomaaliya ay lacago gaadhaya $1.35 milyan oo doollar ay siin jirtay wasaaradihii kala dambeeyey ee shidaalka. Lacagahaasina waxay abuuri karaan shaki maadaama shirkaddu siinayso wasaaraddii siisay qandaraaska kaydinta iyo iibinta xogta.

Waxaa kale oo Galka Baarista uu ogaaday in Soomaaliya ay hoos u dhigtay saamiga ay ka qaadanayso shidaalka soo baxa maalmo uun ka hor intii aan la tegin shirka London, waxaana saamigaasi laga dhigay 54-66% halka dokumentiyo hore oo la qoray ay gaarsiinayeen ilaa 85%, sidaasina waxaa barnaamijka u sheegay laba khabiir oo aqoon toos ah u leh sahaminta shidaalka Soomaaliya

 EMBED

No media source currently available

0:0028:483:47
 Direct link 

 Pop-out player

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s