Dowlad a Kenya oosoo Bandhigtay Sadex shuruudood oo ay sheegtay in ay Xal u noqon karaan,,,

Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay Saddex Shuruudood oo ay sheegtay inay xal u noqon karaan muranka dhanka Diplumaasiyadda Somaliya & Kenya ka dhex taagan.

Saddexda Shuruud ee ay Kenya ku xirtay Wada-xaajood Diplomaasiyadeed oo ay la galaan DFS ayaa waxaa lagu kala sheegay:

1-In Somalia ay sida ugu dhaqsaha badan kaga laabato Khariidada lagu soo bandhigay Shirweynihii Dhaqaalaha ee dhawaan lagu qabtay magaalladda London, oo ay Somalia ku sheegatay xuduud-baddeedka Kenya.

2-Inay DFS u sheegto kuwa iibsaday Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee Xaraashkii London inay Somalia lahayn Deegaankaas waa sida ay hadalka u dhigeen.

3-Dowladda Kenya waxay kaloo doonaysaa in Xalka Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya labada Waddan in xal saaxiibtinimo (xaalmastuur) oo la isla oggol yahay wada gaaraan oo ka baxsan Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Dowladda Somaliya ayaa shalay Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inaysan marnaba gorgortan ka galeyn Qaranimada dhuleed & midka badeed ee Somaliya

Xigasho Universal tv.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s