Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo fariisimo ku lahaa deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa saaka isaga soo baxay aagii ay difaca kaga jireen

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku fariisimo ku lahaa deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa saaka isaga soo baxay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan ciidamadan oo isugu jira Boolis iyo ciidamada Daraawiishta ay dib ugu laabteen deegaan lagu magacaabo Jimbac ee isla gobolka Bari.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Mana ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay cabasho ka keenaan mushaar la’aan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland balse Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa hore u ballanqaaday inuu bixin doono mushaaraadka ciidamada bil walba

.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s