Al-shabaab oo qabsaday Deegaan ay ka baxeen Ciidamada Kenya

Wararka anu ka heleyno Deegaanka Buusaar ee ka tirsan Gobolka Gedo,ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya oo Fariisin Xoogan ku lahaa Deegaankaasi ay iska baxeen sida aan Xogta ku helnay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Waabarigii hore ee saakay ay arkayeen Ciidamada Kenya oo ka baxaya Xarumihii ay Deegaanka ku la hayeen,isla markaana u dhaqaaqay dhinaca Degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Wararka aan Deegaanka ka heleyno ayaa waxa ay intaas ku darayaan in markii Ciidamada Kenya ay ka baxeen halkaasi,ay durbo soo galeen Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab,isla markaana ay la wareegeen Gacan ku heynta Deegaanka.

Maamulka Deegaanka Buusaar ayaa mar sii horeysay sheegay in Ciidamada Kenya ay ka bixi donaan Deegaanka,wallow uusan faah faahin intaas ka badan iyo sababata ay uga baxayaan uu san cadeynin Maamulka Deegaankaasi.

Sikastaba ha ahaate waa deegaankii labaad oo ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ka baxaan Ciidamada Kenya,iyadoona bishii la soo dhaafay ay Ciidamada Kenya,ay ka baxeen Deegaanka Fax faxdhuun oo ay mudo fariisin xooggan ay ku la hayeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s