Magaaladii Guriceel oo Welli Gubbanaysa

Waxaa weli uu dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed uu ka socdaa goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada guriceel ee gobolka Galgaduud, iyada oo dabka uu kusii fiday goobo Ganacsi oo kale.

Dabka ayaa markii hore ka bilaawday kaalin Shidaal oo ay leedahay shirkad lagu Magacaabo Beder,isaga oo kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale oo ay shirkaddu leedahay.

Wararka degmada Guriceel laga helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weli dabka uu kusii fidayo goobo ganacsi oo kale,waxaana wariyeyaal ku sugan degmada Guriceel ay sheegeen in degmada aysan laheyn gaari damb-demis ah taas oo keentay in uu sii fido.

Dadweynaha degmada Guriceel iyo Maamulka degmada ayaa isku-dayay inay demiyaan dabkaas, hayeeshee aan weli lagu guuleysan,waxaana guud ahaan Maanta siweyn dabkaasi looga dareemayaa degmada Guriceel.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s