Warar Dheraad ah oo kasoo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo kooxda Alshabaab Degmada Qoryooley

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay Weerar ku qadeen Fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin duleedka Degmada Qoryooley ee ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Ilo wareedyo ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dagaal qaatay mudo ku dhaw saacad uu hal kaasi ka dhacay,isla markaana laisku adeegsaday hubka Noocyadiisa kala duwan,balse aysan xaqiijin karin khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa sheegay iney iska difaaceen Weerar ay Al-shabaab ku soo qadeen Xarumaha Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin duleedka Degmada Qoryooley.

waxa ayna ayaa sidoo kale Saraakiishu tilmaamtay in Dagaalka ay Al-shabab ku gaarsiyeen Khasaaro baaxad leh,inkasto ilaa iyo hadda jirin cid ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee uu geystay Dagaalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay anu ka heleyno Degmada Qoryooley ayaa ku soo waramaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,ay Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga ay Deegaankasi kawadaan.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo Al-shabaab ay weerar ku qadaan Fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin Degmada Qoryooley ee Shabeellaha Hoose

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s