Odsyaashii ka soo laabtay Ceerigabo oo maanta u waramay shacabka Reer Badhameed

Badhan: Waxa maanta magaalada Badhan lagu qabtay Shir lagu soo bandhigaayey Nuxurkii ka soo baxay shirar mudoo 2 todoobaad uga socda Cuqaal, guurtidi iyo Waxgarad kamid ah Beesha Warsangeli magaalooyinka Badhan iyo Ceergaabo oo lagaga arin saneyey colaada ka soo cusboonatay gobolka; kadib markii Maamulka Somaliland keenay deegaanka yubbe Ciidamo.

Guddi kamid ah Odayaal shirar kaga qayb galay magaalada Ceerigaabo ayaa maanta uga warbixiyey bulshada magaalada Badhan shirkii ay ku galeen magaalada Ceergaabo iyo kulankii ay la qaateen maamulka gobolka.

Guddida ayaa sheegay in Maamulka gobolka kala hadleen Nabdgelyada gobolka guud ahaan iyo in laga saaro Ciidanka Somaliland keentay magaalada Yubbe oo keenay amni darada.

Guddidu waxay kaloo sheegeen inay sii wadi donaan dadaala ku aadan in bulshada gobolka meel uga soo wada jeesan lahayeen amnidarada ku soo koradhay gobolka iyo sidii looga tashan lahaa talaabooyinkii lagaga saari lahaa ciidanka.

Waxa xusud mudan in guurtida shirkan waday ay ka kala yimaadeen deeganada gobolka oo dhan muddo 3 todobaadna ku howlanaayeen xaalada amni darada ku soo cusboonaatay gobolka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s