Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jadadka Somaliland iyo Wafti uu hogaaminayo oo gaadhay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa daah-furay weji labaad oo dhismaha Wadada isku xidha Goboladda Togdheer iyo Sanaag,

Sidoo Kalena Halkaas Ka Bilawday Weji Cusub Oo Dhismaha Wadadaasi Ah Gar-adag  Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jadadka Somaliland iyo Wafti uu hogaaminayo oo gaadhay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa daah-furay weji labaad oo dhismaha Wadada isku xidha Goboladda Togdheer iyo Sanaag, lagana bilaabay Degmada Gar-adag, iyo sidoo kale Qalab iyo Gaadiid Cusub  oo isugu jira Cagafyo, Iskarogooyin Waaweyn iyo yaryar, Booyado Biyood iyo Gaadhi Kalagshar Jayga sameeyaa saaranyahay, kuwaas oo ay Wasaaraddu soo iibisay, Wakaalada Wadooyinka JSL ku shaqayndoonto.

Munaasibada daah-furka oo ka dhacday degmada Gar-adag waxaa ka qaybgaly Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Maareeyaha Wakaaladda Wadooyika, Masuuliyiin Xukuumadii hore xilal ka soo qabtay, Maamulka Degmada Aqoonyahan, Madax Dhaqmeed iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka C/laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa:- “Gaadiidka halkaa joooga dhamaantii waxa iska leh dadweynaha Reer Somaliland, oo aad ka mid tihiin dadweynihiina Garadag, ilaahay ka sokow waxaa suuro galiyey guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Mr: Cali Baqdaadi, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa,”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-“hadaan u soo noqdo socodkaga waa laba qodob, Horta waxaanu idiinku bushaaraynaynaa maanta in la bilaabaayo weji labaad, wajigii hore ee ka soo socday Ceel-Afweyn ee iminka ku soo dhaw meesha la yidhaa Fadhi-gaab wuu shaqaynayaa sidiisii hore ayuu u shaqaynayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda  SL waxa uu nagu amray ‘si wadadan dhakhso loo dhamaystiro, in la sameeyo weji labaad, wajigii labaad taladii injineerada markaanu la tashanay, waxay yidhaaden halka ugu munaasibsan ee wajiga labaad laga bilaabi karaa waa degmada Gar-adag.”

Guddoomiayah Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo isagu Baan ahaan sii maalgaliyey Qalabka cusub ayaa yidhi:- “Waxa weeye in aynu aragno Gaadiidkii iyo qalabkii  la soo iibiyey oo xageena danbe iyo xageena horeba teedsan, mahadaasna waxa iska leh Wasiirka oo isagu fikirka keenay in aanu maalgalino, anaguna waanu ka aqbalnay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s