Taariikh kooban oo ku saabsan masuuliyiintii ku dhimatay qarixii Muqdisho

Maap
Image captionMaap

Qarixii shalay ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhintay dad ay ka mid yihiin toddobo masuul oo ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxa wuxuu ka dhacay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow, xilli uu shir amniga ku saabsan la lahaa qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolka.

Haddaba aan eegno taariikh kooban oo ah toddobada masuul ee qaraxa ku dhimatay:

Agaasimaha Nadaafadda Gobolka Banaadir: Cabdifitaax Cumar Xalane

Cabdifitaax ayaa dowladda ka dhexmuuqday tan iyo sannadkii 2014kii. Markii ugu horeysay waxaa loo magacaabay Agaasimaha warfaafinta iyo Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna xilligaas aasaasay idaacadda Gobolka. 

Wuxuu sidoo kale noqday Agaasimaha qeybta howlaha guud taas oo dhowaan laga qaaday, wuxuuna dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay hayay xilka agaasimaha guud ee nadafadda Gobolka Banaadir. 

Cabdifitaax XalaneLahaanshaha sawirkaSNTV

Cabdifitaax Cumar Xalane wuxuu ku dhashay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, wuxuu waxbarashada Aasaasiga ah ku qaatay Muqdisho intii lagu jiray sannadihii burburka. Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda Simad. 

Wuxuu noqday Macallim, wuxuuna sidoo kale ka shaqeeyay warbaahinta Muqdisho ka hor intuusan arrimaha maamulka ku biirin. 

Xilligii uu Afhayeenka ahaa waxaa lagu garanayay hadalladiisa adage ee ka dhanka ahaa ururka Al-Shabaab, wuxuuna warbaahinta la hadli jiray xilliyada ay weerrarada qaraxyada ay dhacaan. 

Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha: Cabdullaahi Cali Dheere

Si la mid ah Mahad, Cabdullaahi Dheere Soomaaliya kama uusan qixin muddadii burburka lagu jiray, wuxuuna wax ku bartay Muqdisho. 

In ka badan 10 sano ayuu ka shaqeynayay maamulka Gobolka Banaadir, inta badanna wuxuu ahaa Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka. Waxaa lagu tilmaamay inuu aqoon badan u lahaa arrimaha shaqaaleysiinta. 

Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal kale oo ka tirsan maamulka dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir. 

Agaasimaha Qorsheynta deegaanka Hoose: Injineer Shuuriye

Wuxuu Injineer Shuuriya ka baxay jaamacadda Banaadir, wuxuu ku taqasusay dhanka dhismaha magaalooyiinka. 

Wuxuu ka dib noqday macallim, wuxuuna shaqada maaamulka Gobolka ka soo billaabay lataliye uu u noqday gudoomiyaha, ka dib ayuuna noqday Injineerka agaasima dib u dhiska magaalada Muqdisho. 

Guddoomiyaha Cabdicasiis: Sabaax Cabdullaahi Asad

Sabaax Waxay 8/10/1989 ku dhalatay magaalada Garoowe oo ay ku dhameysatay waxbarashadeeda aasaasiga ah. Ka dib waxay jaamacad u aaday dalka Hindiya. 

Sabaax CabdullaahiLahaanshaha sawirkaSNTV

Waxay Sabaax waxbarashada ka dib degtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu guursaday. Xilligii madaxwene Farmaajo uu ololaha doorashada ku jiray ayey Muqdisho u guurtay.

Bishii April ee sannadkan ayaa loo magacaabay guddoomiaha degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho. 

Gudoomiyaha Shangaani: Sahra Markeesi

Sahra Sheekh Amiin Markeesi, waxay filimqaade u ahayd telefishinka Qaranka ee Soomaaliya oo ay ka tirsanayd afar sano. 

Waxay sidoo kale muddo ka shaqeyneysay arrimaha haweenka ee degmada Shangaani oo sannadkii la soo dhaafay ay ka noqotay Gudoomiye.

Ka hor intaan la magacaabin waxay degmada ka fulisay arrimo bulsho, taas oo la sheegay in ay sabab u ahayd in xilka loo dhiibo.

Sahra Markeesi waxay ku geeriyootay cisbitaalka oo la geeyay iyadoo dhaawac ah.

Guddoomiyaha Waabari: Mahad Cilmi

Mahad CilmiLahaanshaha sawirkaSNTV

Taariikh kooban oo ku saabsan masuuliyiintii ku dhimatay qarixii Muqdisho

Mahad waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada Waabari loo magacaabay Bishii July ee sannadkii la soo dhaafay, Ka hor wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsanaa maamulka Galmudug. 

Wuxuu ka shaqeeyay arrimaha bulshada sida waxbarashada. 

Mahad wuxuu ahaa dadkii aanan dalka ka qixin, wuxuuna waxbarashadiis ku dhameystay gudaha Soomaaliya. 

Lataliyaha dhanka sharciga ee Maayarka: Abukaate Xasan Maxamed Sabriye

Sabriye wuxuu ahaa dadkii waxbarashada dhammeeyay ka hor intuusan billaaban dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ay soo martay. 

Dadka yaqaana waxay da’diisa ku qiyaasayaan inuu 60 sano dhaafay kaas oo muddo ka soo shaqeeyay dowladda hoose.

Abukaate SabriyeLahaanshaha sawirkaSNTV

Wuxuu mar noqday agaasimaha waaxda gaadiidka gobolka Banaadir, wuxuu sidoo kale noqday agaasimaha guud ee Gobolka Banaadir. Hadda wuxuu ahaa lataliyaha dhanka Sharciga ee maayarka gobolka Banaadir. 

“Wuxuu ahaa dadkii ay ku tiirsanayd dowladda hoose” ayuu dhahay mid ka mid ah dadka la soo shaqeeyay Abukaate Shuuriya. 

Wuxuu ka qeybqaatay dejinta qaar ka mid ah shuruucda ay ku howlgasho dowladda hoose ee maamulka Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s