Jubbaland oo War Kasoo Saartay Cida Maamuleysa Doorashada..

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland Iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta gaaray Kismaayo.

Mudane Maxamuud Sayid wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada kuwaas oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Waxaa kale oo la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: