Siyaasi Cali Mareexaan Oo Ka Sheekeeyey Sidii Uu Ku Yimid Mid Ka Mid Ah Wax Qabadyadii Madaxweyne Siilaanyo

Siyaasi Cali Mareexaan oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye isla markaana hore u soo noqday wasiirka hawlaha guud ayaa ka sheekeeyey sidii uu ku yimid mid ka mid ah waxqabadyada lagu xasuusto madaxweyne Siilaanyo.

“Khayre & Farmaajo Waxay Galayaan Khalad Siyaasi Ah Oo Siyaad Barre Galay 1988s,” Cali Marreexaan

Siyaasi Cali Mareexaan ayaa qoraal uu soo saaray kaga sheekeeyey xaalada uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa markii uu madaxweyne Siilaanyo xilka wareejiyey, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-

27.07.2010 waxay ahayd maalintii ay madax-waynayaashii Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo xukunka la kala wareegeen. Waxaa munaasibadii caleemo saarka ka soo qayb galay Wefti balaadhan oo ka yimi dalka Kenya, oo ka kooban baarlamaan, siyaasiyiin caan ah iyo ganacsato waawayn. Waxaa hogaaminayey Faarax Macalin oo markaa ahaa gudoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya.

Weftigaasi waxay wateen diyaarad khaas ah oo ilaa 80 qof qaada, waana iska lahaa Col. Farax oo ah ganacsade caan ka ah bariga Africa isaga ayaana diyaarada duulinayey oo ka ahaa pilot.

Subaxii markii la isugu yimi xafladii caleemo saarka Col. Faraax wuxuu nooga sheekeeyey aniga iyo masuuliyiin kale shil ku dhacay diyaaradiisii markii ay Hargaysa soo caga dhiganaysay. Wuxuu yidhi “Runway-ga garoonka Hargaysa waxaa ka qodan godad waawayn oo aad baliyo moodo oo aad u fara badan, dhererkiisuna wuu gaaban yahay.

Markii aan soo caga dhiganayey waxaan cagta la heley god wayn diyaaradiina way sigatay iminka shakalada ayaa mid qarxay oo saliid farabadan ayaa ka qubanaysa” wuxuu intaa noogu daray waxoogaa canaan ah wuxuu yidhi “caasimadna waa sheeganaysaan airport kiiniina waa sidaa. Waxaan idinkula talinayaa in waxa ugu horreeya ee aad qabataan uu ahaado dhismaha Airportka”

Su’aal ayaan waydiiyey oo ah bal iminka inuu dib ugu duuli karo ilaa Nairobi waxaanu ii sheegay in uu ilaahay tawakalayo.

Laba bilood ka dib ayaan tegey Nairobi Col. Farax ayaa gurigiisa nagu casuumay waxaana goobta fadhiyay AHN Indhabuur oo ahaa wakiilkii JSL ee Kenya, AHN Blacki oo ahaa wakiilkii SNM ee Kenya xiligii halganka, Duur, Waabeeyo iyo Aniga, waxaan waydiiyey sida uu diyaaradii u soo fadhiisiyey.

Wuxuu yidhi” iyada oo saliidii sidaa u daadinaysa ayaan cagaha dhulka ugu dhuftay. Ilaahay waxba naguma yeelin”

Siilaanyo wuxuu xukunka wareejiyey Airportkii oo aad u dhisan oo ay fadhiisan karaan Airbus 380 double-deck ama Boeing 747 Jumbo jet. Afar shirkado diyaaradood oo caalami ahina ay isticmaalaan.

Qore: Cali Marreexaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s