Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa goor dhow la dhaariyay

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa goor dhow la dhaariyay, kaddib munaasabad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Guddiga doorashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda dhaarinta ayaa aheyd mid si toos ah looga daawanayay baraha bulshada, iyadoo la dhaariyay 73 Xildhibaan ee xalay liiskooda la shaaciyay, kuwaasoo koox koox loo dhaariyay.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa 8 ka mid ah waxay yihiin Haween, taasoo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee Haween oo ka soo muuqda Baarlamaanka Jubbaland.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay inay soo dhameystirayaan labada xubnood ee ka dhiman Baarlamaanka, kaddib markii uu dhacay qalad farsamo, lana soo dhameystirayo Baarlamaanka Jubbaland oo tiradiisu tahay 75 Xildhibaan.

Kulankii u horeeyay oo ay yeesheen Xildhibaanada, kaddib markii la dhaariyay ayaa waxay ninka ugu da’da weyn u doorteen Guddoomiye, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa loo doortay inuu noqday Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s