Kulan aan waxba la iskula harin oo dhexmaray Xubnaha BFS iyo James Swan

Waxaa maanta ka dhacay maagaalada Kismaayo kulan balaaran oo dhexmaray xubno ka socday baarlamaanka Fedaralka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Kismaanyo iyo Wakiilka Gaarka ee Xog’hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

Kulankaas oo socday mudo ku dhaw labo saacadood ayaa ahaa mid aan waba la iskula harin iyada oo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay si qorsheeysan isugu soo diyaarsheen kulankaas halka James Swan uu isna dhankiisa doonayay in uu maqlo xaqiiqda runta ah ee ka jirta Kismaanyo iyo dareenka ay  ka qabaan xildhibanada Fedaralka geedi socodka doorashada Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa iska soo xulay shan qof oo u hadashha kuwaas oo ka tarjumaya qaybaha kala duwan ee ay xildhibaanadu matalaan, gaar ahaan   Dowlad Goboleedyada Dalka.

Qodobadii ay xildhibaanada soo jeediyeen ama ay ka hadleen nuxurkoodu waxa uu ahaa:

  • Xildhibanada ayaa u sheegay James Swan in dowlada Soomaaliya ka kooban tahay sadax qaybood 1) Golaha Sharci Dajinta, 2) Golaha Xukuumada iyo 3) Golaha Caadaalada. Waxana loo sheegay dadka uu maanta la kulmayaa in ay yihiin dadkii loo dhaariyay in ay xaqiijiyaan in dalku lagu dhaqo dastuur isla markaan la ilaaliyo sharciga dalka
  • Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaana looga fadhiyaa in ay xaqiijiyaan in aan lagu xadgudbin xaduudaha sharciga ee u dhaxeeya qaybaha kala duwan ay dowladu ka kooban tahay.
  • Xildhibaan Axmad M. Fiqi ayaaku dheeraaday ka hadalka waxa uu ku tillamaay “Qorshha Guracan”ee dowlada Fedaraalku ay kula dagaalayso dowlad goboleedyada iyada oo ujeedadoodu tahay in la baabi’iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka dowlada Fedaraalka.
  • Fiqi ayaa su’aal adag waydiiyay James Swan.. waxa uu yiri“maanta waxa aad timid Jubbaland waxadna la kulantay Madaxweyne iyo wasiiro iyo baarlamaan, hadii aad doonayso in aad la kulanto Madaxda Galmudug, yaad la kulmaysaa? Fiqi oo su’aasha isaga jaawabay isaga ayaa yiri,… ma jirto cid aad la kulmi karto sababtoo ah, waa la burburiyay Galmudug, wax la yihaado Galmudug oomaanta ma jirto, cida kalya ee aa la kulmi kartaa waa Xasan Kheye oo isaga hada sheegto in uu madax u yahay Galmudug”!!
  • Xildhibaanadu waxa ay u sheegeen James Swan in qorshaha laga leeyahay Jubbaland oo maanta ah meel amni ah oo dhib badan laga soo maray in meshaan la soo gaarsiiyo ayaa la doonayaa in maanta sidii Galmudug laga dhigi, International Community raali baad ku tihiin ama aad doonaysaan in  aad qiil u raadisaan dad ay ka go’an tahay in la burburiyo Jubbaland.
  • Waxaa lagu bogaadiyay in dadka reer Jubbaland lagu taageero in ay si xor ah u doortaan qofka ay rabaan isla markaana laga oirtago dadka ku jira Villa Soomaaliya ee doonaya in ay“remoute Control” ku burburiyaan Jubbaland
  • Xildhibaan Nadiifo oo ka soo jeedo deegaanka Koondur Galbeed ayaa  dhankeeda sheegtay in beesha caalamka ay gacantooda wali ku muuqdo dhiigii lagu daadiyay magalaada Baydhabo oo dad shacab ah lagu laayay iyada oo la doonayay in dadka Koonfur Galbeed lagu qasbo hogaan ayan rabin
  • James Swan ayaa la xasuusiyay in ninkii isaga ka horeeyay ee ahaa Nicholas Haysom la ceyriyay sababtoo ah waxa uu ka hadlay xaqa,… waxaana loo sheegay in sida  wararka qaar sheegayaan in hadda la  doonayo in isagaba la ceyriyo.
  • Waxaa lagu dardaarmay James Swan in uusan marnaba raali ka noqon isla markaan qayb  ka noqon qorshaha la doonayo in lagu burburiyo Jubbaland.
  • Waxaa loo sheegay in dhibka ka yimaada Jubbaland ay mas’uuliyadeeda qaadi doonta beesha calamka hadii ay si qaldan faraha ula galaan doorashada Jubbland, dadka reer Jubbaland waa isku duuuban yihiin, way iswataan waa in beesha caalamka ay faraha uga qaadaa doorashadooda iyo cida ay dooranayaan.

James Swan ayaa dhankiisa ugu mahadceliyay sida xamaasada leh oo ay xildihibaanada ula hadleen waxa uuna balan qaaday in UNSOM ay  ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ka baxaan xaalada dhibka badan ee ay ku jiraan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s