Guddiga doorashada Jubbaland oo jawaab kama dambeys ah siiyay Qaramada Midoobay

.Lahaanshaha sawirkaJUBBALAND TV
Image captionWakiilka Qaramada Midoobay ayaa dhawaan la kulmay mas’uuliyiinta Jubbaland

Qorshaha doorashada maamul goboleedka Jubbaland waxaa hareeyay xaalad xasaasi ah oo ka dhalatay warqado ay isweydaarsadeen hoggaanka guddiga ku howlan qaban qaabada doorashada iyo wakiilka Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiinta guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. 

Warqad uu ku saxiixnyahay gudoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland, Xamsa Cabdi Cumar, oo ka kooban 2 bog, kuna qoran afka ingiriiska, ayaa si adag looga falceliyay moqrifka ay Qaramada Midoobay ka qabto hannaanka lagu wado howlaha doorashada.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii warqad uu guddiga usoo diray James Swan, oo ah wakiilka Qaramada Midoobay uu ku sheegay in dhammaan waxyaabihii doorashada ku saabsanaa ee la sameeyay aysan beesha caalamku ku qanacsaneyn. 

Guddiga oo u muuqday inay “ka caroodeen” hadalkaas ayaa sheegay inay sameeyeen wax kasta oo lagu xaqiijin karo inay doorashadu noqoto mid si sax ah loo qabtay.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu sheegay in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay, wax dib u dhigis ahna aan lagu sameyn doonin.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in hadda la marayo marxaladihii ugu dambeeyay ee doorashada, lana qaaday ilaa 7 tallaabo oo lagama maarmaan u ah dib u habeynta hannaanka doorashada.

Qoraalka guddiga waxaa dhanka kale lagu sheegay in loo wada hoggaansamay dhammaan shuruudihii dastuurka dalka ee ku xirnaa fulinta doorashada Jubbaland.

Guddoomiye Xamse ayaa warqadda ku yiri: “Ka hor inta aanan jawaabtan soo saarin, waxaan wada tashi la sameeyay dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso sida: Xubnaha guddiga doorashada, afhayeenka iyo ku xigeennadiisa ee golaha baarlamaanka Jubbaland, xubnaha ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, musharraxiinta xilka madaxweynaha ee la diiwaan galiyay iyo saraakiisha kale ee arrintan talada ku leh”. 

.Lahaanshaha sawirkaJUBBALAND TV
Image captionDhawaan waxaa Kismaayo lagu dhisay baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo guddoonkiisa

Guddiga oo sheegay inay taageero buuxda ka heystaan shacabka, ayaa warqaddan ku socotay Qaramada Midoobay waxay ku dalbadeen in raalli galin laga siiyo hadalkii Danjire Swam uu ku sheegay in sida ay wax u socdaan aysan ahayn sidii loo baahnaa.

Warkii maalin ka hor kasoo baxay Danjire Swan

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland ka dalbaday in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka.

Warqad uu u direy guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland Xamza Cabdi Barre ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu horeyntii loogaga mahadceliyay guddiga go’aanka ay saddex-da maalmood ugu dareen musharaxiinta aan weli isdiiwaan gelinin, muddadaas oo aad u yar marka loo eego doorashada madaxweynaha ee dhacayso 22-ka bishan Ogosto.

James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland.

“Warqaddeenii 8-dda Ogosto aan kuu soo diray aniga oo wakiil ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, oo la isku raacsan yahay, la iskuna haleyn karo , islamarkaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubbaland.” ayuu ku qoray James Swan qoraalkiisa.

Wakiilka ayaa qoraalkiisa sidoo kale ku sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

“Haddii Guddiga doorashada uusan wax ka qaban arrimaha taagan ee ay ka walaacsanyihiin dhinacyada ay quseyso, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu intaasi ku daray James Swan.

Mowqifka dowladda Federaalka

.Lahaanshaha sawirkaAHMED MAXAMUUD JAAMAC
Image captionAmniga doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa si weyn loo adkeeyay

WasaaraddaArrimaha Gudaha Federaalka & Dib u Heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay xulashadii xildhibaannada Jubbaland iyo doorashadii maanta ee gudoonka baarlamaanka maamul goboleekaasi.

War saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Federaalka, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay BBC-da ayaa lagu sheegay in dhammaan howlaha ka socda Jubbaland ee la xiriira doorashada ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga.

Balse guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland ayaa dhankooda horay u sheegay inay dastuurka waafaqsan yihiin, ayna howshooda u fuliyeen si sax ah.

War Saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sida hoos ka muuqata:

Tixraac warqada sumadeedu tahay WAGF&D/XW062/19 soona baxday 06/07/2019.

Tixraac habraacyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u- heshiisiinta ee soo baxay 25 May 2019 iyo 24 July 2019 oo dhamaantood ku saabsan habraaca doorashada Baarlamaanka, shir-guddoonka iyo Doorashada Madaxtooyada Jubbaland,

Tixraac war saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee tirsigiisu yahay WAGF&D/XW/071/2019 soona baxay 8dii August 2019.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxaa ay si dhaw ula socotay dhacdooyinkii ka dhacaayay Dowlad Goboleedka Jubaland waxaanay cadaynaysaa:-

1- In habraacyada loo maray xulista liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulayay aanay waafaqsanayn diiwaanka dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

2- In aan dariiq sharci ah loo marin dhammaystirka soo xulista xubnaha Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Jubbaland.

3- In doorasha kasta 00 ku dhacda sifo baalmarsan dastuurka Federalka Soomaliya, habraacyada doorashooyinka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta soo saartay ay yihiin waxba kama jiraan (null and void).

Haddaba, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiintu ma aqoonsana natiijo kasta oo sharciga baalmarsan.

Sidaa daraadeed, si looga feejignaado qalaalase iyo xasillooni darro ka dhacda Dowlad Goboleedka Jubbaland, Dowlada Federalka Soomaaliya waxaa ay ku baaqaysaa in la qabto dib-u-heshiisiin dhab ah o0 ay ka qayb qaataan dhammaan Bulsha weynta Jubaland.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxaa ay – diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato, goob-joogna ka nogoto in ay Jubbaland ka soo baxaan doorashooyin wadar-oggal ah, lagu qanacsan yahay oo ay ka qayb qaateen dhammaan murashaxiinta Baarlamaanka, Shir-guddoonka iyo Madaxtooyada oo ku salaysan xor, xalaal, hufnaan laguna wada kalsoonaan karo, kuna dhacda jawwi nabdoon.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s