M/weyneku xigeenka Puntland Axmed Karaash”Xaq baa nooga maqan Federaalka,

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ka hadlayay magaalada Garoowe, xarun ay Xaafiis ka furanaysay wasaaradda Arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay garnaqsanayaan oo ay wada hadal lagalayaan dawladda Faderaalka.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in ay Puntland joojinayso Iinyowda waxa ugu yeeray, isagoo ula jeeday in ay mar kasta Puntland cambaarayso dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Karaash ayaa sheegay in ay si wanaagsan ula xisaabsamayaan dawladda faderaalka, isagoo sheegay in ay iyaga Puntland sabab u ahaayeen in dawladda Faderaalka ay maanta cagaheeda isku taagto, sidaas oo uu sheegay in aysan ula sifeyn Soomaalida kale.

Madaxweyne kuxigeenka wuxuu kaloo sheegay in Iinyowdooda badan ay yareyn doonaan ama joojinayaan, isagoo taasi ay ka dhiga ntahay in ay Puntland hadda ka gudbayso xadeyn-daabka warsaxaafadeedyada.

Puntland ayaa bishii May joojisay xariirka ay la leedahay guddiyada madaxa banaan qaarkood iyo arrimaha ay la wadaagto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaase muuqata in aysan ka hirgalin gudaha Puntland oo lagu qabtay kulamadii ay diidaneyd qaar kamid ah,sida Dibu eegista Dastuurka ee Soomaaliya oo ku shiray Garoowe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s