Al-Shabaab oo Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda ku dilay Muqdisho

Dabley hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Muqdisho gudaheeda waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada illaalada Madaxtooyadda Villa Somaliya.

Sarkaalkan oo darajadiisa ay aheyd labada Xidigle ka tirsan Ciidamada Koofi Casta ee Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa dilkiisa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sanca ee Degmada Yaaqshiid.

Koox Bistoolado wadatay oo la sheegay inay soo dabagaleen ayaa laba Xidigle Cabdi Deeq waxa ay ku dhufteen rasaas ay madaxa kala dhaceen, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta.

Sarkaalka Madaxtooyadda ka tirsan ayaa durba meesha ku geeriyooday, waxaana daqiiqado kadib goobtaasi gaaray Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya.

Amniyaadka Shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaanan si sahal ah lagu qaban marka la eego falalka ay fuliyaan & sida ay ku baxsadaan.

Al Shabaab ayaa shalay kaliya Muqdisho waxa ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid uu yahay Sarkaalkaasi, halka midka kalena uu yahay Askari ka tirsanaay Maamulka Degmada Hawlwadaag.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s