Sheekh Shariif Oo Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wefdi uu hoggaaminayey ayaa saacado ku xayirnaa groonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilo ku dhow wefdiga Sheekh Shariif ayaa inoo xaqiijiyey in markii hore loo diiday inuu u safro magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu wado in ay ka dhacdo munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dedaal badan oo la sameeyey iyo wadahadallo dheer kadib ayaa la fasaxay diyaaraddii Kismaayo u qaadi lahayd Sheekh Shariif.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka yimid dalka Turkiga, isaga oo markii la xayirayey isku diyaarinayey aadista Kismaayo, balse ugu dambeyn waa la fasaxay oo isaga iyo wefdigiisa waa ay u ambabaxeen Kismaayo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s