Somaliya Oo QM U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Kenya Kadib Diyaarad Kismaayo Ka Degtay

Muqdisho (– Dowladda Soomaaliya ayaa caawa QM u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, iyadoo ku eedeyneysa iney ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda.

Arintan ayaa timid kaddib markii maanta dayuurad ka soo duushay magaalada Nairobi oo siday xildhibaano iyo masuuliyiin Soomaali ah ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo taasoo jebisay xanibaad dowlada federaalku horey ugu soo rogtay Magaaladaas.

Soomaaliya ayaa dacwadan geysay waaxda Qaramada Midoobey u qaabilsan duulista Hawadda ee ICAO sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somalia.

Dayuuradan ayaa lagu wadaa in sidoo kale magaalada Garoowe ka soo qaado beri wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo lagu wado inay ka qeyb galaan Munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuraddan ay adeegsatey shatiga shirkada dayuuradaha Jubba Airways, gaar ahaan waxaa loo yaqaanno Shahaadada Howlgalka Hawada (Air Operating Certificate ama AOC).

Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee Kenyan Civil Aviation Authority (KCAA) ayaa la sheegay inay dayuuraddan u jartay Notice to airmen (NOTAM) oo ah u fasixidda dayuuradda ee hawada ama ka joojinteeda, iyadoo aan la xiriirin dhigg

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s