Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Geerida Taliyihii ciidamada Booliska Somaliland

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii ciidamada booliska Soomaaliland Janaraal Cabdullahi Fadal Iimaan.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Alle ha u naxariistee taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan. Qabriga Allahe ha u waasiciyo, Qoyska, Caruurta uu ka baxay iyo dhamaan shacab waynaha reer Somaliland iyana samir iyo iiman Alle haka siiyo” ayuu yiri RW.

Sido kale Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Umada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka iyo Madaxda Soomaaliland uga tacsiyeeyay Geerida ku timid Cabdullahi Fadal Iimaan.

Taliye Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa xilka loo dhiibay 2012, wuxuuna ku xanuunsanayay mudooyinkii dambe isbitaal ku yaala Dalka Tukriga, oo maalma ka hor loosoo celiyay Caasimada Soomaaliland ee Hargeysa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: