Faah faahin ka soo baxaya Kolonyo uu la socday Wasiirka Arrimaha Gudaha oo lagu weeraray duleedka Matabaan

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kolonyo uu la socday wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka lagu rasaaseeyay duleedka degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu dhex maray Ciidamada galbinayay Wasiir Sabriye iyo maleeshiyo hubeysan, waxaana ugu dambeyn degmada Matabaan laga saaray maleeshiyaadki hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in aysan waxyeelo ka soo gaarin wasiirka arrimaha gudaha Sabriye weerarka lagu qaaday kolonyadii uu la socday.

Hase yeeshee guud ahaan magaalada Matabaan ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowlada federalka iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen degmadaas ciidamo daacad u ah ururka Ahlu Sunna.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s