Wa Siddee xaalada Magalada Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in maamulka iyo ciidamada Ahlu sunna ay weli joogaan qeybo ka mid ah magaalada.

ilo ku sugan magaalada ayaa u sheegay  Goobjoog News uu u sheegay in culimada joogaan INJI oo aheyd Madaxtooyadii ee Galmudug, wasaaradda waxbarashada iyo agagaaraha Isbitaalka Xanaano ee magaalada Dhuusamareeb, ciidamada ayaana kawada dhaqdhaqaaqyo goobaaas.

Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ayaa horay u soo baxay deegaanada Matabaan oo gobalka Hiiraan ah, Guriceel iyo deegaanka Ceeldheer oo gobalka Galgaduud ah, waxaana jira cabsi shacabku ay ka muujinaayaan in lagu dhex dagaalamo madaama magaalada ay kuwada sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlusunna iyo madaxdooda.

Is eedeyn ayaa socotay maamlmahan, Ahlu sunna waxaa ay dowladda federaalka ku eedeysay in ay uga baxday heshiis ay la galeen oo ku aadan dhismaha iyo saamiga ay ku yeelanayaan maamulka cusub ee Galamudug, oo dhismihiisa uu ka socdo magaalada Dhuusamareeb,  sidoo kale wasiirka wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Ahlusunna ay hortaagan tahay dhismaha Galmudug.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s