Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Taliyaha Iyo Taliye Ku-xigeenka Cusub ee Ciidanka Booliska

   

Hargeysa(Solna)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa  wareegto madaxweyne  uu soo saaray wuxuu ku magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska iyo Taliye ku-xigeenka Ciidankaasi, waxaanu   xilkii ka qaaday Taliye ku-xigeenkii Koowaad ee Ciidanka Booliska. JSL.

 Wareegtada Madaxweynaha JSL oo nuqul ka mid ahi soo  gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxay u qornayd sidan:-

 Markaan Arkay:  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

Markaan Arkay:  Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1. Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland
2. Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

 Geesta kalena, Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu soo saaray wareegto Madaxweyne oo uu xilkii kaga qaaday Taliye ku-xigeenkii koowaad ee ciidanka Booliska Sareeye Guuto Faarax Maxamed Mire, waxaanay  wareegtadaas xilka qaadista ahi u qornayd sidan:-

“Mudane,Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s