Kooxo hubeysan oo Goordhaw Weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed ku dilay Guddoomiye ku Xigeenkii Arrimaha Bulshada Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka ayaa wuxuu ka dhacay Hoyga Gudoomiyaha oo ku yaala degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose.
Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Carabey, kaasi oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta Gobalka.
Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray Hoyga Gudoomiyaha ee lagu dhax dilay, kadib markii lagu tuuray Bamgacmeed sababay dhimashada Gudoomiyaha.
Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose iyo kan degmada Afgooye wali kama hadlin Weerarkaasi.
