Abwaan Cabdirashid oo laga yaabo in uu ku guulaysto xilka Gudomiyaha Barlamanka Puntland

Xildhibaan Cabdirashiid  Yuusuf Jibriil oo loo yaqaan (Abwaan Cabdirashiid) ayaa loo saadaalinayaa in uu beddelo guddoomiyaha maanta xilka laga xayuubiyay Cabdixakiin Dhoobo, sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha falanqeeya arrimaha siyaasadda Puntland.

Abwaan Cabdirashiid ayaa kamid ahaa dadkii u tartamay doorashadii guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, 4-Jannaayo ee sannadkan oo uu ku guulaystay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) , inkastoo Mr. Jibriil uu xiligaasi helay 5-cod oo keliya.

Marka laga reebo hadal-haynta falanqeeyaasha siyaasadda ee la xiriirta in Abwaan Cabdirashiid u sharraxanyahay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada, haddana ma jirto meel uu xildhibaankaasi weli ku xaqiijiyay in uu sharraxanyahay iyo xataa meel uu ku beeniyay midna.

Abwaan Cabdirashiid oo agaasimaha xafiiska Warfaafinta Puntland soo noqday xilligii Madaxweyne Gaas, ayaa lagu tilmaamaa nin galaan-gal iyo saamayn xooggan ku leh arrimaha gobolka Sanaag

Xigasho Puntland Post

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s