C/raxmaan C/shakuur oo lagu casumay Aqalka Chatham House London

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka qeyb galaya Dood uu soo qaban qaabiyay Aqalka Chatham House oo ah Machad Caalami ah oo saldhigiisu yahay magaalada London, kaasoo falan-qeeya doodo ku saabsan arrimaha caalamiga.

Doodan ayaa la qaban doonaa 15-ka bishan November oo ku beegan Jimcaha soo socda, waxaana lagu casuumay C/raxmaan C/shakuur, waxaana doodan uu cinwaankeedu yahay Hannaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo Xiriirka Federaalka (Somalia’s Electoral Road-Map and Federal Relations)

Iyadoo Soomaaliya sanadka 2020/2021 ay ku soo fool leedahay doorashooyin ayaa xaalada siyaasadeed ee dalka ay tahay mid aanay xasilooneyn, halka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu u dhaxeeyo khilaaf xooggan oo keenay in xiriirkooda uu xumaado.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s