Taliyihii Ciidamada Ahlu Sunna ee Guriceel oo watay Gaadiid Dagaal ayaa isku dhiibay Dowladda

Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu halkaasi iska dhiibay Sarkaal sare oo Ahlu Sunna u qaabilsanaa Guriceel.

Taliyihii Ciidamada Ahlu Sunna ee Magaalada Guriceel Cabdilqaadir Rooble Cade oo watay Gadiid Dagaal iyo Ciidamo ayaa isku dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Caasimada Maamulka Galmudug.

Cabdilqaadir Rooble Cade ayaa kamid ahaa Hogaamiyaasha kuwa ugu tunka ama awooda weynaa ee Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ee deegaanada iyo degmooyinka Gobalka Galgaduud.

Mas’uul katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay Sarkaalka is dhiibay inuu watay Gadiid dagaal iyo Ciidamo badan.

Wali wax war ah kama soo bixin Hogaanka Ahlu Sunna oo la xiriirta is dhiibida Sarkaalkaasi Muhiimka ahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: