Muuse Biixi: Soomaaliya cunaha ayay haysaa Somaaliland

Muse Bixi oo ku sugan BBC-da Xafiiska London

Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay waddakasta u martay sidii ay cunaha u qaban laheyd dowladdiisa.

Arrintan ayuu Muuse Biixi ka sheegay furitaanka Carwada Caafimaadka Somaliland oo lagu qabanayo magaalada Hargeysa.

”Dowladda Xamar ka dhisan oo aad ogtihiin inta weerar ay nagu qaadday taasi oo markii la doortayba dagaalkeeda ku bilowday mashruucii dekedda barbaro iyadoo ku hanjabtay inay calaaqadka u jareeyso carabta taasi oo micneheedu yahay maxaad u hormareysaan. Waxaa taasi xigtay in sanduuqii SDF ee Soomaaliland Mashruuca ka caawin jiray ay naga xayireen iyagoo warqad u qoray waddamada Yurub”, ayuu yiri Biixi.

”Waxaa intaasi dheer in dowlad kasta oo Soomaaliland soo dhaweyso amaba marti qaadda in cilaaqaadka loo jaro. waxaad kalo ogeydeen dagaalkii ay Tukaraq ku soo qaadeen”.

”Waxaa wax laga naxa ah in xubno ka tirsan xisbiga waddani ay ammaan kala dul dhacaan dowladda Xamar, ma nimankaas baa ammaan naga mudan mise waxay istaahilaan in lala dagaalo, ma waxaanu Farmaajo uga dayanaa dhaqanka uu labadii madaxweyne ee hore uu ku xiraayo elaboorka, xitaa dhaqan Soomaaliyeed ma ahan waxaasi”. ayuu intaasi ku sii daray Madaxweyne Bixii.

Madaxweyne Biixi ayaa dhanka kale sheegay in ay tahay in dadka Somaliland ay isku tashtaan si ay uga badbaadaan mowjadaha danaha isdiiddan ee quwadaha caalamka ay ka leeyihiin Geeska Afrika.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s