War Cusub oo Kusoo Kordhay Dilka Taliyihii Sirdoonka Mudug ee qeybta Puntland

Faah faahino.dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka Taliyahii ciidamada Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Maamulka Puntland ee gobalka Mudug oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay Mas’uuliyada dilka Korneel Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamul Gobaleedka Puntland.

“Ciidamadeena ayaa howlgal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku khaarijiyay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii Sirdoonka Puntland ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warka qoraal ah oo kasoo baxay Al Shabaab.

Dhanka kale Howlgal ka dhan ah Al Shabaabkii ka dambeeyay dilka Taliyahaasi ayaa Xalay iyo saakay ka socday Xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.Saraakiisha Nabad Sugida Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Shaqsiyaad lala xiriirinayo dilka Korneel Marxuum Xaashi Aadan Cilmi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s