Gudoomiye Saleemaan oo laga yaabo in uu shaqada iska Casillo

Waxa Qoray Suxufi Cabdillaahi M Cali

Ku darso shaxda cusub ee in ay qayb ka noqoto khilaafka siyaasadeed ee JSL arinka Guurtida ee aan wali soo shaacbixin..

Sow maad maqlin in Golaha Guurtidu ay “Gudi” u saartay si ay u soo daristo mudo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiilada mar kale?
Haddaba maxaa daba socda mudo kordhintaa Golaha Wakiilada?

Sid ay sheegayaan xogaha aan helayaa, Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu madaxweynaha JSL ku wargaliyey in uu “Iska nasanayo” sidaa darteed uu banaynayo xilka Gudoomiyenimo.

“Nasashada” Gudoomiye Saleebaan waxa ay abuuraysaa fursad cusub oo xileed oo lagu loolamo, iyadoo loolanku sida xeerka Guurtidu sheegayo qofka dhinta ama ka taga xil Guurti waxa badalkiisa leh ‘reerka’ xubintaasi ka soo jeedo, laakiin gudoomiyenimada waxa leh Golaha oo soo dooranaya, waana halka ay ka imanayso fursada la wada lee yahay.

Inkastoo aynu hore u aragnay iyadoo aan gulu dhexdooda iska xulin markii uu geeriyooday marxuun Sheekh Ibraahim, Gudoomiye Saleebaan oo siyaasi ahna dusha lagaga keenay iyadoo madaxweyne Daahir Riyaale dano siyaasadeed oo dajin ah ka lahaa.

Hase ahaatee xilka uu banaynayo Gudoomiye Saleebaan waxa la sheegay in durba la calaamadiyey xubin aan Golaha ku jirin, balse ka mid ah xubnaha uu madaxweyne Muuse aadka ugu kalsoon yahay, waana xubin caan ah.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay yaa ku haboon ee mudan in lugu badalo Gudoomiye Saleebaan Nuur, xilka Gudoomiyenimo ee uu banaynayo?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s