Muxuu Sheekh Umal uga jawaabay eedeyntii ahayd ‘in dad badan hadalkiisa lagu laayay’?

Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida ayaa shaaciyay inuu maalinta Jimcada ah ee 22-ka bisha November, 2019-ka, garoonka Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho ku qaban doono muxaarado, haseyeeshee waxaa arrintaas si weyn uga soo horjeestay Afhayeenka golaha guud ee Culimada Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow.

BBC-da ayaa la xiriirtay labada sheekhba, si aan faahfaahin badan uga helno arrintan oo si weyn loogu hadal hayo baraha xiriirka bulshada.

Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow ayaa shacabka Soomaalida ka dalbaday inaysan ka qeyb galin muxaadarada Sheekh Umal, isagoo ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay waxa uu ugu yeeray ‘musiibada ugu weyn ee ka jirta dalka’. 

“Sababta aan ku diiddanahay muxaadaradaas waa in ugu horreyn qofka dhigaya uu yahay ninka la yiraahdo Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Fikirkaan ay khawaarijtu dadka Soomaaliyeed ku baabi’iyeen ayuu wax badan taageersanaa, ilaa haddana ma ogin meel uu uga tanaasulay, gaar ahaanna culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, ee Suufiyada loo yaqaanno wuxuu u yaqaannaa gaalo, marka waxaa layaab leh oo ayaan darro ah in isagoo gaalo noo yaqaanna, dad badan oo ahlu dariiq ahna ay khawaarijtu ku leysay iftadiisa iyo fikirkiisa uu maanta dhaho waxaan u khudbeynayaa agoonti”, ayuu yiri Sheekh Soomoow.

Sheekh Soomow ayaa gaashaanka u daruuray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu ka careysan yahay sababtii loo soo marsiin waayay dhaqaalihii uu Sheekh Umal waday ee loogu talagalay dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha wabiga Shabeelle.

“Taasi waa dacaayad raqiis ah, aniga iyo isaga isma naqaanno, waligeenna iskama hor imaanin, dhaqaalahaasna anigu waxaan qeyb ka ahay guddiga guud”, ayuu yiri.

Dhinaca kale, Sheekh Umal, oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa ka jawaaby arrintan, wuxuuna beeniyay dhammaan eedeymaha uu soo jeediyay Sheekh Soomoow.

Isagoo ka hadlayay arrintaas ayuu yiri: “Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen”. 

.

Wuxuu sidoo kale Sheekh Umal iska fogeeyay eeeymaha la xiriira in hadalkiisa lagu laayay dad suufiyo ah iyo inuu ‘gaaleeyay’ Ahlu Sunna.

“Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo”.

Sheekh Umal oo saldhiggiisu uu yahay dalka Kenya ayaa maalmahan ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu gaarsiiyo kaalmada, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda xukuumadda Federaalka, oo uu ugu horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s