Golaha Wakiilada Puntland oo u yeeray inay Golaha horyimadaan gudiga Dhismaha wadada
Ceeldaahir_
Waxaa qabsoomay Kulanka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland fadhigii 14 aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha.
Fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada ayaa ajandihiisu ahaa Xaalada Wadada Ceeldaahir Ilaa Ceerigaabo.
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 38 ayaa goluhu waxuu isla qaatay in loo yeero Guddiaga dhismaha Wadada Ceeldaahir Ilaa Ceerigaabo, Hay’adda dhismaha Wadooyinka Puntland ee PHA iyo Wasaaradda Howlaha Guud
Geba-Gebadii, Golaha Wakiillada ayaa maalinta Arbacda ah ee 27/11/2019- dib isugu soo laabandoona, iyada oo loo balan sanayhay in ay hor yimaadaan Golaha guddiaga dhismaha Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo, Hay’adda dhismaha Wadooyinka Puntland ee PHA iyo Wasaaradda Howlaha Guud, si wax looga waydiiyo xaalada wadada Ceel-Daahir Ilaa Ceerigaabo iyo guud ahaanba xaalada wadooyinka Puntland.
Source xafiiska Gudoomiyaha