Dawlada Kenya Oo Ciidamo Tiro Badan Soo Dhoobtay Xadka Ay La Wadaagto Somaliya Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay soo dhoobtay Xadka ay a wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Militariga Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa lagu arkay, iyaga oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada xaduudka dhinaca degmada Ceelwaaq,isla markaana dadka ay cabsi dareemeen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa in Kenya ay Ciidamo horleh soo dhoobto xadka dhinaca Gobolka Gedo ay kala wadaagto Soomaaliya,hayeeshee Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan inay taageerayaan  Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan,kaas oo la sheegay in loo diiday in uu galo magaalooyinka qaar ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan  oo maalmahaan ku sugan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ka wado Gobolka Gedo,isla markaana ay adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyaan ah.

Deegaano katirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa laga dareemayaa loolan adag oo u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya oo kala taageeraya Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.

Image result for ciidamada kenya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s