Bulshada Somaliyeed ma Samaynaayo Goaanka Turkigu

Bulshada Soomaaliyeed ma saameynayo go’aankii Turkiga”

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaailya ee dalka Turkiga oo la hadlayey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii dhawaan ay soo saartay dowladda Turkiga ah ee ahaa inaan ikhaamada la sii doonin dadka dalxiiska ku gala dalkaas Turkiga

Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) oo u warramayey wariyaheenn Feysal Muuse ayaa sheegay in uu maanta la kulmay madaxa hey’adda Socdaalka Turkiga, isla markaana uu u cadeeyey in dadka Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aan dowladda Turkiga ay ka soo saartay arinkaas.

Ambassador (Ceydiid) Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa sheegay in madaxa hey’adda socdaalka Turkiga uu kala hadlay sidii Visaha loogu fududeyn lahaa wakhtigana loogu kordhin lahaa dadka caafimaadka u yimaada dalkaas.

“Sannadkaan 2019 in ka badan 11 kun oo Soomaali ah ayaa dalbatay dal ku galka Turkiga (Visa), waxaana la siiyey in ka badan 7 kun oo Soomaalida wata Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Ambassador Ceydiid.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s