Ciidamada Militariga Itoobiya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Itoobiya, oo aan qayb ka ahayn Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay gaareen magaaladaasi.

Ciidamadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, watana gaadiidka xamuulka ciidamada ee Uraalaha loo yaqaano ayaa waxay gaareen Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku biiraya Ciidamadii Jabuuti ee ku sugnaa.

Militariga Itoobiya ayaa Khamiistii soo dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay ka soo tallaabeen xuduuda labada dal.

Ciidan kale oo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb, si ay amniga magaalada u xoojiyaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) uu ku wajahan yahay Magaalada Dhuusamareeb, xilli aan la aqoon ujeedada uu u tegaayo.

Dowladda Somaliya ayaa waxay dareen ka muujinaysaa inay Ahlu Sunna caqabad ku noqoto amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada ee Galmudug.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa waxay dhawaan iska diideen in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan, iyagoo ku andacoonaya Dowladda Somaliya oo aan meelmarin heshiiskii ay bartamihii sanadkan wada gaareen.

Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa ku jira qodob qeexaya in Ahlu Sunna 35 xubnood laga siin doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug, tiiyoo ay dib uga laabatay Dowladda Federaalka Somaliya.

Inkastoo Ahlu Sunada Galmudug aanay weli qaadin tallaabooyin liddi ku ah dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa waxaan meesha laga saari karin suurta-galnimada inay caqabad ku noqon karto dhismaha maamulkaasi.

Image result for ciidamada xabashida muqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s