Yurub oo geel argagixisada lagula dagaallamayo siisay dal Afrikaan ah

.

Midoowga Yurub ayaa 250 neef oo geel ah ugu yaboohay dowladda Mauritania ee Galbeedka Afrika, taas oo qeyb ka ah dedaallada argagixiso la dagaalanka iyo adkaynta amniga xuduudaha. 

Markii geela la gaarsiiyay magaalada Achemin ee bariga ku taalla, dadkii tuulo joogga ahaa aad ayay ula yaabeen, sababtuna waxa ay tahay in Mauritania ay tahay dalka geela adduunka ugu badan uu ku noolyahay, sidaas oo ay tahayna geel loogu deeqay. 

Arrintan ayaa si weyn loogu maadeystay baraha xiriirka bulshada, kumannaan qof ayaana hadalheyn ka dhigtay.

Khubarada maxalliga ah ayaa sheegay in geel tiradiisa lagu qiyaasay 3 milyan uu ku nool yahay waddankaas ay tirada shacabkiisa yihiin 4 milyan oo ruux.

Geelan hadiyadda ah ee ka yimid Midowga Yurub ayaa la siiyay cutubkaa awrta rukuubta ah ee qeybta ka ah ciidanka dalkaas, sida uu sheegay Jeneral Masgaro Aould Sidi. 

Midowga Yurub geel ma leeyahay?

Sawir uu qoraal la socdo oo wakaaladda wararka Al Akhbar ay boggeeda Facebook kusoo daabacday ayaa laga bixiyay boqolaal faallo iyo astaanta qosolka, iyada oo qof ka mid ah faallo bixiyeyaasha uu yiri “Geel hadiyad ah ayaa Yurub nooga yimid, balse geel badan ayaan halkan kusii haysanay”. 

Qof kale ayaa is weeydiiyay “Midowga Yurub geel ma leeyahay?”. 

Dadka qaar ayaa soo jeediyay in la joogo xili casri ah, loona baahnaa aalado casri ah oo amniga wax looga qabto. 

Hadiyaddan waxay dadka qaarkiis ku tilmaameen mid bahdil ah oo ciyaar looga dhiganayo shacabka waddankaas

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionGeel aad u farabadan ayaa la sheegaa inuu joogo waddankaas

Geelan hadyadda ah ayaa qeyb ka ah qorshe kaalmo ah oo dhan 14 malyan oo doolar oo reer Yurub ay ugu talogaleen Mauritania. 

Mauritania ayaa waxa ay leedahay cutubyo ciidan ah oo dhanka miyiga ka hawlgala, kuwaas oo haysta gaadiidka reer miyiga ah, waxayna mararka qaar qabtaan hawlaha danta guud, sida wacyigalinta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s