Ciidamo xirtay wadada u dhaxeysa Boosaaso iyo Garoowe

Wadda udhaxaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa maanta xiran kadib markii ay ciidamo gadoosan ay xireen waddada.

Ciidamada ayaa ka yimid degmada Carmo ee gobolka Bari waxaana hoggaaminayay Sarkaal lagu Magacaabo Ciise Yulux oo kamid ahaa ciidankii dhawaan Boosaaso soo galay.

lama oga ilaa iyo haatan sababta rasmiga ah ee keentay in Ciidamadaan ay xirtaan waddada u dhaxeysa Garoowe iyo Boosaaso,iyadoo uu istaagay Isu socodka gaadiidka ee Boosaaso iyo Garoowe ,isla markaana Gaadiid farabadan uu ku xayiranyihiin duleedka Magaalada Boosaaso.

16-kii Bishii November ee sanadkaan ayay aheyd markii Ciidamo isugu jira kuwa Daraawiishta Puntland iyo Maleeshiyaad uu hoggaaminayey Ciise Yulux ay ku dagaalameen Koontoroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso walow markii dambe xiisad ka dhalatay dagaalkaas ay xaliyeen waxgaradka Gobolka Bari.

Wacaal Darey ah: Ciidamo xirtay wadada u dhaxeysa  Boosaaso iyo Garoowe

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s